Habka Oogista &Qaadiska Dacwadaha Ciqaabta

Ujeeddooyinka cutubkan

Aqristuhu marka uu aqriyo cutubkan wuxuu si wanaagsan u
fahmayaa arimaha hoos ku qoran:
1- Noocyada Maxkamadaha qaado Dacwadaha ciqaabta ah
2- Ikhtisaaska iyo awoodaha maxkamadda Dagmada ee dhinaca ciqaabta
3- Ikhtisaaska Maxkamadaha Gobalka, Racfaanka iyo maxkamadda sare ee dhinaca ciqaabta
4- Sida loo xaddido ikhtisaaska dhinaca maaddada ee maxkamadda
5- Qaabka loo xaddido ikhtisaaska dhinaca dhulka ama
xuduuda ee Maxkamaddaha
6- Aragtida ka joogsiga iyo durida garsooraha

Noocyada Maxkamadaha ciqaabta ee caadiga ah

oocyada Maxkamadaha ciqaabta ee caadiga ah
Howlaha garsoorka Ciqaabta caadiga ah waxaa qabto Maxkamadahacaadiga ah oo kala ah:
1- Maxkamadda ha Degmooyinka
2- Maxkamadda ha Goballada
3- Maxkamadda ha Racfaanka Goballada
4- Maxkamadda sare ee Dalka
5- fi iri Qodobka 1 aad ee xeer LR3 kuna saabsan NGS, soona
baxay 1962, iyo qodobka 2aad ee XHCS.1
Haddi alle idmo, waxaan si kooban uga hadli doonaa ikhtisaaska iyo Howlaha dhinaca ciqaabta ee maxkamad kasta oo ka mid ah kuwa aan kor ku soo xusnay:

A- Dhismaha iyo awoodaha Maxkamadaha Dagmooyinka

Maxkamaddda dagmadu waxay ku taalaa xuranta maamulka
degmo walbo, awoodeedda dhinaca xuduuda waxay ku siman
tahay xuduuda degmadu ay kutaalo, qeybta ciqaabta ee maxkamadda dagmadu waxay gashaa mowduuc ahaan dacwooyinka
ciqaabta ah ee aan ciqaabtoodu ka badneyn 3 sano oo xarig ah ,
ganaaxeeduna uusan ka badnayn SH. So, 3,000 ama labadoodda
oo wadajira, xuduud ahaan maxkamdda dagmadu waxay gashaa
dambiyada ka dhaco inta ku siman xuduuda degmadaas.
fi iri Qodobka 2 aad ee xeerka nidaamka garsoorka 1962, iyo qodobka 2 aad ee XHCS.

B- Maxkamadaha Goballada

Gobal kasta wuxuu leeyahay maxkamad gobal , oo awoodeedda dhinaca xuduudu gaarsii santahay dhamman soohdinta
gobalka.
Maxkamadda gobalku waxay ka kooban tahay labo laamood
oo kala ah:
1- Laanta caadiga ah ee maxkamadda Gobalka
2- Laanta tashiga ee maxkamadda Gobalka

Ikhtisaaska laanta Tashiga ee Maxkamadda gobalka:

laanta tashiga ee Maxkamadda Gobalku waxay gashaah dacwooyinka la xiriira dambiyada qicaabtoodu ay tahay:
1- Dilka
2- Xabsi daa’im
3- Xabsi aan ka yarayn 10 sano oo xarig ah

Ikhtisaas laanta guud ama laanta caadiga ah ee Maxkamadda G/ba

Laanta guud ama laanta caadiga ee maxkamadda Gobalku
ciqaab ahaan waxay gashaa, dhamman dambiyada aan hoos tagin laanta tashiga ee maxkamadda Gobalka, isla markaana aan ka
mid aheyn ikhtisaaska ciqaabeed ee maxkamadda dagmada, fi iri
qodobka 3aad ee XNG1962.

C- Maxkamadda Racfaanka

Gobal kastaa wuxuu leeyahay Maxkamad Racfaan oo ku taalo
caasimada gobalka, awoodeedune gaarsiisan tahay dhamman soohdinta gobalka, maxkamadda racfaanka qeybteedda ciqaabta waxay
leeddahay laba laamood oo kala ah:-
1- Laanta caadiga ah ee maxkamadda racfaanka
2- Laanta tashiga ee maxkamadda Racfaanka.

1- Laanta caadiga ah ee maxkamadda racfaanka

Laanta caadiga ah ee maxkamadda racfaanka
Laanta caadiga ah ee maxkamadda racfaanka waxay gashaa
dhamman racfaannada laga soo qaado maxkamadda degmada
qebteedda ciqaabta iyo laanta ciqaabta caadiga ah ee maxkamadda gobalka.

2- Laanta tashiga ee maxkamadda Racfaanka

Laanta tashiga ee maxkamadda Racfaanka waxay gashaa racfaannada laga soo qaato xukunnada iyo go,aanada ka soo baxa
maxkamadda gobalka laanteedda tashiga.
Awoodaha iyo ikhtisaaska maxkamadda racfaanka, ha noqoto qaybta tashiga ama qaybta caadiga ah, waxaa faah-faahinayo
qodobka 4 aad ee xeerka nidaamka garsoorka 1962.

Waxaa qoray Avv. Daahir Maxamed Cali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *